Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Deni oo Mucaaradka Weerar afka ah ku Qaaday

Madaxweyne Deni oo Mucaaradka Weerar afka ah ku Qaaday

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay munaasbad lagu xusayay sanadguurada saddexaad ee doorashadii Madaxweyne Lafta gareen ayaa ka hadlay arimaha doorashada iyo baaq kasoo baxay Musharaxiinta.

Siciid Deni ayaa kasoo horjeestay baaq dhawaan kasoo yeeray golaha midowga Musharaxiinta oo ku aadanaa in kulan la isugu yimaado si loo dhiso golle Badbaado qaran oo dalka bad baadiya.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka digay baaqa midowga musharaxiinta ee ku aadan in golle cusub la dhiso, waxa uuna ku tilmaamay kuwa mar kale ku baaqaya in golle la dhiso in ay doonayaan in dib loogu laabto  teendhada Carta .

“Kuwa dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa” ayuu yiri Siciid deni.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Deni ayaa niyad jab ku ah gollaha Midowga musharaxiinta oo horey xiriir uga dhaxeeyay, waxaana hada musharaxiinta lumiyeen labadii maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay xulufada hoose lahaayeen.

Ad
Previous articleCiidamada policeka Magaalada Gaalkacyo oo Soo Bandhigay Hub ay kusoo Qabteen Dagaal Halkaas ka dhacay
Next articleMadaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Hambalyo udiray Ciidamada Policeka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here