Home Wararka Maanta Somaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xariirka labada dal

Somaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xariirka labada dal

0

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamaiga Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kuwait Dr; Axmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, ka dib kulan ay ku yeesheen dalka Maraykanka.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu habboon ee loo sii xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo sidii loo horumarin lahaa dano wanaagga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadannay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay ariintaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kalfahdiga 67 -aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ad
Previous articleAbwaan Dowladda Somaliya dhawaan xil u magacaawday oo Somaliland xil kale Looga Magacaabay
Next articleShir Caawa dhexmaray Golaha Wadatashiga Qaran iyo Muhiimada Looga hadlay