Home Wararka Somaliya R/W Rooble oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada iyo Maxkamadda ciidamada

R/W Rooble oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada iyo Maxkamadda ciidamada

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay taliyaasha ciidamada oo ay kamid yihiin Agaasimaha KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Kulankan ayaa ah mid Ra’iisul Wasaaruhu ku farayo la shaqeynta Agaasimaha Kumeel gaarka ah ee hay’adda NISA iyo sidii amniga loo xaqiijin lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

Ad
Previous articleFarmaajo oo diiday Shaqa joojintii lagu sameeyay Taliyaha NISA
Next articlePuntland oo Taageera u muujisay R/Wasaaraha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here