Home Wararka Somaliya Wasiirka Amniga Galmudug oo la kulmay Taliyaha ciidamada AMISOM

Wasiirka Amniga Galmudug oo la kulmay Taliyaha ciidamada AMISOM

0
Wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed Macalin Fiqi ayaa maantay magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM Lt. Gen. Diomede Ndegeya iyo ku xigeenkiisa Maj. Gen. William K Shume.
Wasiirka Amniga iyo taliska ciidamada AMISOM ayaa kulankooda iskula soo qaaday arrimo ku saabsan Amniga Galmudug iyo iskaashiga suurtagalka ah ee la xiriira la dagaalanka argagixisada Shabaab, amniga doorashooyinka iyo qodobo kale.
Galmudug ayaa dagaalo xoogan gobalka Mudug kula gashay alshabaab, waxaana dagaaladaasi ay sababeen qasaare kala duwan oo soo kala gaaray Alshabaab iyo Ciidamada DFS oo garab siinaya Kuwa Galmudug
Ad
Previous articleXubin sare ee Guddiga Dacwada badda ee Somaliya oo geeriyooday
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geeridii ku Timid Marxuum Maxamed Cumar Saalixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here