Home Wararka Somaliya Fal argagax leh oo ka dhacay Degmada Matabaan

Fal argagax leh oo ka dhacay Degmada Matabaan

0

Wararka aan ka heleyno Degaanka Miira Jibaale oo ka tirsan Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in halkaas lagu dilay qof Dumar ah oo lagu magacaabo Iftin Axmed kadib markii ay Tooreey ku dishay Haweneey kale oo iyadana lagu magacaabo Dahabo Faarax.

Dirirtan oo u dhaxeeysay labo Qoys oo daris ahaa ayaa ayaa sidoo kale sababtay dhaawacyo soo gaaray Haweenka dagaalamay qaarkood.

Haweeneyda la dilay ayaa Meydkeeda la keenay Degmadda Guriceel, waxaana sidoo kale goobta wax ka dhaceen ku baxay Ciidamadda Boliiska Degmadda Guriceel kadib markii ay lasoo xiriireen Dadka Deegaanka oo arintani walaac ka muujiyay.

Qaar kamida Dadka Degaanka oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in arintani ku lug leedahay Fal Kufsi ah oo Degaankaas horey uga dhacay.

Ad
Previous articleGaadiid ka xayirnaa Galmudug oo Maanta lagu wareejiyay Galmudug Muddo ka dib (Sawiro)
Next articleGalmudug oo u digtay dadka Lacagaha siiya Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here