Home Wararka Maanta Deeq Gurmad ah oo Maanta La gaarsiiyay Ciidamada Hugunta ah ee Ku...

Deeq Gurmad ah oo Maanta La gaarsiiyay Ciidamada Hugunta ah ee Ku sugan Gobalka Mudug (Sawiro)

0

Waxaa iska soo daba dhacaya deeqaha iyo taakulaynta ay dadka reer Galmudug la garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ee dagaalka kula jira  Shabaabka ku sugan  deegaanada koofurta Mudug.

Magaalada Camaara ee ka tirsan Degmada Xarardheere oo ka mid ah deegaanada dib looga xoreeyey kooxda Shabaab ayna ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka-sida ayaa waxaa soo gaarsiiyey deeq isugu jirta raashin, gogol, dhar iyo 2 neef oo Geel ah musharax xildhibaan golaha shacanka Md. Xasan Cabdi ( Xasam Bulsho).

Sidoo kale waxaa ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira argagixisada Shabaab aagga Camaara laba neef oo geel ugu deeqay Musharax xildhibaam golaha Shacabka Md. Sh. C/qaadir Cali Cumar.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka amniga gudaha ayaa uga mahadceliyey musharixinta isxilqaamay ee taakulada soo gaarsiiyey ciidamada asagoo ku tilmaamay musharixiintaaw kuwo ka qeybgalay halganka maadaama ay saadeen mujaahidiinta Galmudug ka xoraynaysa khawaarijta, asagoo sidoo kale ugu baaqay dadka reer Galmudug iyo musharoxiinta u tartarmaysa kuraasta taalla Galmudug in ay ka soo qeybqaataan garab istaagga iyo taakulaynta ciidamada.

Wasiirka ayaa ugu danbayn xusay in cid kasta oo safka hore ee dagaalka timid ama taakule soo gaarsiisay in aysan ula mid ahayn dad kale oo ay baal dahab ah uga qoran yihiin halganka socda.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Madaxweyne Shariif iyo Xasan
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Caawa Kulan la qaatay Guddiga Doorashada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here