Home Wararka Somaliya Dhuusamareeb” Ciidamada Amniga oo Weriye ku xiray

Dhuusamareeb” Ciidamada Amniga oo Weriye ku xiray

0

Ciidamada Booliiska Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada galmudug ayaa xabsiga u taxaabey Wariye Farxaan Axmed Cabdi “Fiicane” oo ka mid ahaa wariyaasha ka howlgala Galmudug.

Farxaan oo Xabsiga Loo tixaabay ayaa ahaa wakiil wareedka idaacadda Kulmiye ee Muqdisho iyo UniversalTv ee Dhuusamareeb.

Saxafiga ayaa la xiray sida wararku sheegayaan xili uu ku howlanaa soo tabinta cabasho ay muujinayeen wadayaasha mooto-bajaajta oo isku soo bax ka sameynaya afaafka hore ee xarunta maamulka Degmada Dhuusamareeb.

Maamulka Dhuusamareeb iyo Taliska Boliiska Galmdug wili kama hadal sababta ay ku xireen Weriye Farxaan Axmed Cabdi.

Ad
Previous articleMaxuu ku yahay Heshiiska ay wadagaleen Dowladaha itobiya iyo Ruushka
Next articleWaa Maxay shuruudaha Looga baahanyahay Xubnaha ka mid noqonaya Gudiga doorashada Senatarada ka soo baxaya Degaanada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here