Home Wararka Maanta Kulan ciyaareed Lagu qabtay Magalada Galkacyo laguna xusayay Maalinta Qaxootiga Aduunka

Kulan ciyaareed Lagu qabtay Magalada Galkacyo laguna xusayay Maalinta Qaxootiga Aduunka [sawiro]

0

Kulan ciyaareedkan oo loo qabtay kooxo ku kala ciyaarayay magaca barakacayaasha iyo magaca dadka deegaanka ah ayna soo agaasintey Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee Galkacyo qeeybteeda galmudug “GECPD” oo kaah-shaneysa hey’adda qaxootiga caalamka ee UNHCR ayaa lagu maamuusayay maalinta qaxootiga caalamka.

Kulan ciyaareedkan oo ay usoo daawasho tageen qaybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb ayaa lagu gudoonsiiyay abaal-marino kooxaha wada ciyaaray, iyadoo madasha looga hadley duruufaha ku xeeran dadka ku barakacey Galmudug iyo sida ugu mudan ee looga caawin karo dhibaatada ku hor-gudban.

Safiyo Siigaale oo ah u qaabilsanaha Galmudug ee hey’adda GECPD ayaa ka warantey doorkooda wax ka qabashada xaaladaha Barakacayaasha iyo xuska maalinta Barakacayaasha Caalamka.

Maxamed Axmed Xasan (Fanax) oo ka socda hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka socotay bulshada ayaa iyana ku biiriyay hambalyada maalinta qaxootiga Caalamka.

Mohamed Osman Ali  agaasimaha waaxda barakacayaaasha, qaxootiga iyo xalalka waaara ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay dhinacyada soo agaasimey xuska maamuuskan loo sameeyay maalinta qaxootiga caalamka.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya iyo Kuwa Dowlad Gobaledyada oo Lagu wareejiyay Goobaha Doorashada
Next articleGuddiga u xil saaran farsamada Doorashada oo shaaciyay xilliga la xareenayo Guddiga Doorashada dalka