Home Wararka Somaliya Dagaal ka dhacay Galgaduud ayaa Dowladdu Guulo ka sheegatay

Dagaal ka dhacay Galgaduud ayaa Dowladdu Guulo ka sheegatay

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Al-Shabaab qasaare xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Orshe oo dhanka bari 50km ka xiga Magaalada Dhusamareb ee caasimada Galmudug.

Deegaanka ayaa hada waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxaana halkaasi Lagu arkay maydadka  Al-Shabaab waxaana laga furtay hubkii iyo saadkii.

 

Al-Shabaab ayaa dadka xoolada dhaqtada ah halkaasi ku dhibaatayn jiray waxa ayna ka qaadayeen Lacago iyo xoolo sida Saraakiishi sheegeen

Howlgalkan saaka  qasaaraha lagu gaarsiiyey ALshabaab ayaa Qayb ka ah howlgalo qorshaysan oo argagixisada looga saarayo deegaanada ay shacabka ku dhibaataynayeen.

Ad
Previous articleWasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyay Guddigii Doorashada
Next articleSomaliya iyo Turkiga oo ka wadahadalay Xoojinta Xariinta labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here