Home Wararka Maanta 250 Akoon Oo Shabaab Ku Lahaayeen 4 Banki Oo La Xiray iyo...

250 Akoon Oo Shabaab Ku Lahaayeen 4 Banki Oo La Xiray iyo Dowlada oo ka Hadashay

0

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday maleeshiyada Al-shabaab.

Ra’isul Wasaahara ayaa sheegay inay Al-shabaab ay ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 bangi. Wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.

Xamse Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaabku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’

“Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu intaas ku daray inay xireen shakhsiyaad lagaco u waday saldhiyo ay Al-shabaab ku lahaayeen maagaalooyin ay ka mid yihiin Basra, Gandarshe iyo Xawaadley.

“Qofkii la qabto isaga oo lacag u wada Al-shabaab waa dambilley, wuuxna la mid yahay iyaga” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse.

Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’.

Ad
Previous articleMuuqaal laga duubay booliska Kenya oo isku dayaya inay dad dhacaan
Next articleWasiirka Waxbarashada Oo Ka Mahadceliyey 450 Deeq Waxbarasho Ah, Oo Ay Masar Sannad Kasta Siineyso Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here