Home Wararka Maanta Maraykanka oo Si Wada Jir ah u eedeeyey Ciidamada dowladda Soomaaliya...

Maraykanka oo Si Wada Jir ah u eedeeyey Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu eedeeyey iney askareeyeen boqolaal caruur ah sida lagu sheegay Warbixinta ka ganacsiga dadka oo ay sii daysay Dowladda Maraykanka

Warbixinta ayaa muujineysa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee weli ka socda dalka, iyadoo Al-Shabaab iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu horeeya ee lagu eedeeyay ficiladan

In Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada dowladda & kooxaha  kasoo horjeeda ay askareeyaan carruurta ayaa si cad loogu sheegay Warbixinta Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay qoratay boqollaal carruur ah oo askar ah 2022 oo keliya, taasoo ka hor imaanaysa sharciga ka hortagga carruurta la askareeyo.

Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badnayd ee xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah carruurta ku sugan meelaha colaaduhu ka jiraan ee caalamka.

Ad
Previous article“Waxaa jirta baahi loo qabo in la muujiyo in aanaan hadli karin oo keliya balse aan qaniini karno,” Militariga qabsaday Niger oo ka jawaabay digniin soo Diray
Next articleUrurka Jaamacadaha Soomaaliyeed oo War layaab leh kasoo Saaray Ceebtii Dhawaan ka Dhacday Fagaaraha Tartanka China

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here