Home Wararka Maanta Shiinaha Oo War Ka Soo Saaray Go’aanka Dowlada Soomaaliya Ee Arrinta Taiwan

Shiinaha Oo War Ka Soo Saaray Go’aanka Dowlada Soomaaliya Ee Arrinta Taiwan

0

Dowladda Shiinaha oo si weyn u soo dhaweysay go’aanka lama filaanka ah ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrinta qadiyadda Jaziirada Taiwan ayaa sheegtay iney uga mahad celineyso in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsan tahah qeyb kamid au dhul weynaha Shiinaha.

Qoraal ka soo baxay safaarada Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu jiro xiriir dheer oo mudo qarniyo ah kaasoo ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, go’aankan deg dega ahaana uu ku yimid cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labadaasi dal.
“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka qoraalka Shiinaha.
Si kastaba, Dowladda federalaka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay siyaasadda “Hal China” xilli xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Shiinaha oo ku aadan jasiiradda Taiwan ee sheegata inay ka go’aday Shiinaha.
Xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay markii Shiinaha ka caroodeen booqashadii Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan. Sidoo kale Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka wada marin biyoodka Taiwan.
Ad
Previous articleDegDeg: Diyaradaha Dagaalka ee Dowlada Itoobiya oo saakay duqeymo culus kawada deegaano hoostaga Degmada Matabaan
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha wasiirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here