Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Ethiopia

Dowlada Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Ethiopia

0

Xiisadda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ay xukuumadda Abiy ay shalay isku deyday in madaxweyne Xasan Sheekh ka hor istaagto shirka Midowga Afrika.

Soomaaliya iyo Ethiopia oo xiisadda ka dhex aloosan salka ku hayso heshiiskii is-afgarad ee magaalada Addis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa waxay markale Madaxtooyada Soomaaliya digniin culus u dirtay xukuumadda Abiy.

Digniinta Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiska Ethiopia la gashay Somaliland ee dhinaca badda uu horseedi doono xasilooni darro dhinaca gobolka ah, ayna madaxa u ridan doonto masuuliyadda wixii ka dhasha.

“Xad-gudubka (Ethiopia ee) ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya waxaa ka dhalaneysa cawaaqib xumo saameysay xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.”

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u qeexday in aysan waxba ka jirin dhamaan marmarsiyaha ee la xiriira doonistooda badda Soomaaliya, ayada oo is-afgaradkaasi u baal-marsan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kahor intii uusan kasoo ambabixin Addis Ababa war-saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Midowga Afrika wuxuu si adag ugu dhalleeceeyay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Ethiopia mid aan si ganbasho laheyn u dooneysa ku xad-gudubka xoriyadda dhuleed ee dalkeena, xilli horraantii sanadkaan ay heshiis beenaad la saxiixatay Somaliland.

“Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto wax kasta oo hoos u dhigaya islamarkaana dhantaalaya sharafkeeda umadeed iyo midnimadeeda dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous articleSoomaali ka yimid Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerarayo New York
Next articleWarmurtiyeed laga Soo saaray Shirkii Xasan Shiikh Adisababa u aaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here