Home galmudug Shil khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Shil khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

0

Wararka laga helayo Gobolka Mudug  ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta degaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay shil geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Shilkan ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay uu rogmaday gaari nooca loo yaqaano Biijiga xilli uu marayay inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay Shilka gaari ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Ruux oo gaariga Biijiga ah saarnaa, waxaa sidoo kale ku burburay gaariga iyo Agab kala duwan oo saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in labada qof ee Shilka ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug si halkaasi loogu daaweeyo, waxaana dadka gurmad u sameeyay dadka degaanka uu Shilka ka dhacay.

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay Shilalka Gaari, iyada oo inta badan ay ugu wacan tahay wadooyinka oo burbursan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here