Home galmudug Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug oo Xeraale gaaray, waxaana...

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug oo Xeraale gaaray, waxaana xariga laga jaray Xarunta Garsoorka xeraale {Sawiro}

0

Wafdi uu uhogaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug qeybna ay ka ahaayeen Xeer ilaaliyaha Galmudug, ku xigeenadiisa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, ku xigeenadiisa iyo qaar kamid golaha wasiirada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dagmada xeraale ee gobalka Galgauud waxaana halkaas kusoo dhaweeyay odeyaasha,dhallinyarada iyo ardayda ku dhaqan Xeraale.

Wafdigaan ayaa safar shaqo kusoo maray deeganada kala ah Miirjiicleey,Dusumaaleey Lajiide iyo Xeraale.

Guddoomiyaha ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, guddoomiyaha Maxkamadda sare Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug ayaa xariga ka jaray xarunta Garsoorka degamada Xeraale ee gobalka Galgaduud.

Ugu dambayn wafdiga ayaa kulamo la qaatay odeyaasha dhaqanka deegaanadii safarka ay kusoo mareen iyagoona intii uu socdaalka kujireen kormeer ku tagay goobaha waxbarasho oo ku yaala deeganadaas iyo Saldhigga dagmada Xeraale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here