Home Wararka Maanta Sawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland oo booqasho ku yimid Qeybta Galmudug

Sawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland oo booqasho ku yimid Qeybta Galmudug

0
Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, Ku xigeenkiisa Maxamed Cabdi Cilmi Ayaa Xafiiska Dowladda Hoose Ee Degmada Gaalkacyo Kusoo Dhaweeyay Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Cabdinuur aadan iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo booqasho ku yimid Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug.
Labada Maayar ayaa kulan ka yeeshay iskaashiga Dowladaha hoose ee Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo waxayna intaas ka dib kormeereen Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada oo ay ka hawlgalayaan Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada lagana hirgeliyay Calaamadaha Gaadiidka kala haga taasi oo xoojinaysa Amniga Magaalada iyo ka hortagga fal dambiyeedyada.
Ad
Previous articleXiisad iyo Dagaal laga soo sheegayo Deegaanka Xanan-buure ee Galgaduud
Next articleKenya oo Codsi cusub u dirtay Maxkamada ICJ xili Cabdiqawi Axmed la bedelay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here