Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo la Kulmay Wafdi ka socday Qaramada Midoobey

Madaxweyne Qoor Qoor oo la Kulmay Wafdi ka socday Qaramada Midoobey

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo maanta soo gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga, abaaraha, la dagaalanka Alshabaab iyo xafiis cusub oo dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda Galmudug.

Ad
Previous articleDeg Deg: dil Goor dhaw ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir
Next articleWasiir ka Tirsan Jubbaland oo ku geeriyooday Jarmalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here