Home wararka Dalka Sawiro:- Gaalkacyo oo lagu qabtay Maalinta Nabada Aduunka

Sawiro:- Gaalkacyo oo lagu qabtay Maalinta Nabada Aduunka

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug waxaa Maanta lagu qabtay Xuska 21 September oo ah Maalinta Nabadda Aduunka.

Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Duqa Degmada Gaalkacyo,Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Gaalkacyo,Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka Gobalka Mudug iyo Xubno ka tirsan Ururka Dhalinyarada Degmada Gaalkacyo.Iyo Hay’adda HD.

Kasoo qeyb galaysha Xuska Maalinta Nabadda Aduunka ayaa Socod kusoo maray qeybo ka mid ah Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo.

Ugu danbeyn Maayarka Degmada Gaalkacyo Hirsi Barre ayaa Geedka Nabadda ku beeray wadada Nabadda oo isku xira Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo,taas oo Mashruuca Nabadda lagu dhisay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here