Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne QoorQoor oo kulan laqaatay Xildhibaanada Lagasoo Doortay Galmudug oo uu dhawaan...

Madaxweyne QoorQoor oo kulan laqaatay Xildhibaanada Lagasoo Doortay Galmudug oo uu dhawaan u yeearay

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada labada golle ee lagu doortay deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaana isugu yeeray Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug in ay isugu yimaadaan magaalada Dhuusomareeb, waxaana Xildhibaanada intooda badan shalay gaareen magaalada Dhuusomareeb iyaga oo ajiibay dalabka Madaxweynaha.

Kulanka uu xalay la qaatay Madaxweynaha Galmudug Xildhibaanada labada Aqal ayaan xog badan laga heyn waxii looga hadlay, hasa ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in looga hadlay jiheyta doorashada Guddonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaana la sheegay in Xildhibaanada kala hadlay sidii ay u noqon lahaayeen kuwa isku xiran oo hal dhinac wax u wada, waxa uuna ugu baaqay in ay noqdaan Xildhibaano wax tara dadka iyo deegaanada ay matalaan.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa soo saartay Xildhibaano badan oo katirsan labada Aqal si ay u jiheeyaan siyaasadooda sidoo kale gorgortan ugula galaan Musharaxiinta isku haya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Galmudug ayaa isugu jira muxaafid iyo mucaarad, waxaana adkaan doonta in Madaxweynaha Galmudug uu jiheeyo siyaasada iyo aragtida xildhibaanadaasi ay ku jiraan kuwa saameyn badan leh.

Ad
Previous articleDaawo Sawirada: Goobtii ay ka Dhaceen Qaraxyadii Baladweyne Ruxay(Sawiro)
Next articleSanbaloolshe “Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here