Home galmudug Amaro Cusub oo lagu soo rogay Dadka ku nool Caasimada Galmudug

Amaro Cusub oo lagu soo rogay Dadka ku nool Caasimada Galmudug

0

Maamulka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo saaray Amaro cusub oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada Galmudug Cabdiraxmaan Geedo qorow ayaa soo saaray qodobo loogu tala galay sugida amniga Caasimada iyo deegaanada hoos yimaada kuwaa oo loogu talo galay inay fuliyaan ciidamada amniga ee kahowl gala Caasimada.

Waxaa ka mid ah in gaadiidka Muraayaddaha Madow aysan ku socon karin Magaalada, in dhammaan Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ay iska diwaangaliyaan xarunta dowladda Hoose.

Waxaa sidoo kale amarada ka mid ah dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka ay gacanta kusoo dhiggaan cid walba oo jabisa amarada lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Maamulka ayaa ka codsaday in bulshada ay quseeyaan qodobadani linay ciidamada kala shaqeeyaan howlaha laxariira,si loo fuliyo amararada maamulku soo saaray.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here