Home Wararka Maanta Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo burisay go’aankii baarlamaanka Puntland

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo burisay go’aankii baarlamaanka Puntland

0

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Puntland ayaa burisay go’aankii baarlamaanka Puntland ay ku kororsadeen mudo xileedkooda waqti hal sano ah.

Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aankaanwaxay sheegeen in dacwadaan uu u soo gudbiyey garyaqaanka guud ee dowlad goboleedka Puntland.

“Go’aankaas wuxuu xambaarsanaa muddo kordhin ay baarlamaanka Puntland ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, garyaqaanka ayaa cuskaday dastuurka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Baarlamaanka ayaa qorsheynayey in 31-12-2024 uu dhamaado muddo xileedkooda, balse hadda waxaa la go’aamiyey inay doorasho aadaan.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda u cuskatay labo qodob oo kala ah:

1 – Maxkamaddu waxay burisay go’aankii golaha wakiillada Puntland ee kalfadhigii 53-aad, maadaama uu si cad uga hor imaanayo qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, isla markaana uusan la heyn macne sharci ah oo loo cuskaday.

2 – Muddo xileedka baarlamaanka wuxuu ku egyahay 31-12-2023, si waafaqsan qodobka 60-aad ee dastuurka Puntland.

Ad
Previous articleSidee u dhacay dilka macallin iyo dhaqtar lagu hor dilay hooyadood oo ay muddo kala maqnaayeen ee Duleedka Dhuusamareeb?
Next articleXaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa oo hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here