Maxaa ka jira in Madaxweyne Qoor Qoor loo magacaabayo Raisul Wasaare

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyne Qoor Qoor loo magacaabayo Raisul Wasaaraha Dalka Somaliya oo dhawaan baneeyay Xasan Kheyre.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug gaar ahaan Wasiiro Galmudug ka tirsan oo aan xiriir la sameenay ayaa Mudug24 u sheegay in aysan Jirin Magacaabis la xiriirta Madaxweyne Qoor Qoor taasina ay tahay wax warbaahinta ay qoreen.

Masuuliyiinta ayaa intaasi ku daray in Safarka Madaxweynaha uu ahaa mid uu kulamo kulmayo Madaxda Dalka isagoo kala hadlaya in lasii wado Kulamada iyo Shirarka horay u socday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wada Qorshe uu ku soo magacaabayo Rai’sul wasaare Cusub Dadka siyaasada Falanqeeya ayaa sheegaya in mudane uu magacaabi karo Qoor Qoor si Galmudugta Cusub loo furfuro loona baajiyo Shirirka Socday.

Mudug24 Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*