Akhriso:- Hal Qodob ay ka mideysanyihiin Madaxda Maamul Goboleedyada

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug uga furmay shirka wadatashiga ay leeyihiin Madaxda maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Furitaanka shirka ayaa Madaxda maamul goboleedyada waxa ay ka jeediyeen khudbado inta badan uga hadlayeen marxalada siyaasadeed ee xiligan dalka ka taagan gaar ahaan doorashada waqtigeeda dhaw yahay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa hadaladooda inta badan waxa ay kaga mideesnaayeen arinta doorashada dalka ka dhaceysa, waxa ayna dhamaantood u muuqdeen kuwa kasoo horjeeda mudo kororsi in madaxda dowlada sameeyaan.

Waxa ay sidoo kale Madaxda qaar sheegeen in aysan xiligan muuqan qabashada doorashada qof iyo cod oo marar badan madaxda dowlada federaalka Soomaaliya sheegeen in dalka ka dhici doonto.

Madaxda maamul goboleedyada ee khudbadaha ka jeediyay shirka wadatashiga ee ka furmay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxa ay ka digeen in mudo kororsi sameeyaan madaxda dowlada nuucey rabto haku timaadee.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horey u sheegay in aysan jiri doonin mudo kororsi, hasa ahaatee waxaa shaki badan la galinayaa in dalka ka dhacdo doorasho xiligii horey loo qorsheeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*