Home galmudug Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Degmada Cabud-waaq

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Degmada Cabud-waaq

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safar ku tago Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo kamid ah goobaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug.

Magaalada Cabudwaaq ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayay u diyaar garoowga soo haweynta wafdiga Madaxweyne Qoor qoor, hayeeshee waraka Maanta la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dad careysan ay jeex jeexeen Sawiradii iyo boorarkii wadooyinka lagu dhejiyay ee loogu talo galay soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Galmudug.

Sawiro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa muujinayay dad jeex jeexaya soona dejinaya Boorarka soo shaweynta Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ee degmada Cabduwaaq,kuwaas oo tabashooyin dhowr ah ka qabay Maamulka Cusub ee Galmudug.

Maamulka degmada Cabudwaaq iyo taliska Booliska degmadaasi weli kama hadlin tallaabada ay sawirada iyo boorarka soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug loo qorsheeyay dadka degmadaasi ku jeex jeexeen,xilli diyaar garoow uu ka socday Magaaladaas.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here