Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Puntland oo Shir ka furay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo Shir ka furay Magaalada Garoowe

0

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

Madaxweyne DENI  Puntland ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in Dowladdu ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Puntland ayaa hore u yareysay Cashuurta laga qaado Gaas-ka cuntada lagu karsado, si bulshadu ay uga baaqato in ay dhirta jaraan , sidoo kale Dowladdu waxay horumarisay tamarta Shirkadaha Korontada ee Boosaaso taasi oo iyana dhiirrigelinaysa in dadku korontada adeegsado.

Shirweynaha 3-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Puntland, Hay’addaha Dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Aqoonyahanada, Waxgaradka , Culimada iyo Ururada Bulshada.

Ad
Previous articleGalmudug oo magacowday Gudi ka kooban 13 Xubnood
Next articleMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Safiirka Denmark ee Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here