Home Wararka Maanta Dibadbax Ka Dhan ah Kooxda Alshabaab oo Ka Dhacay Degmada Wisil ee...

Dibadbax Ka Dhan ah Kooxda Alshabaab oo Ka Dhacay Degmada Wisil ee Gobalka Mudug(Sawiro)

0

Wasiirka amniga gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ‘Gaboobe’ ayaa ka qeybgalay dibadbax ay maanta iskugu soo baxeen shacabka ku dhaqan degmada Wisil.

Dibadbaxa maanta ayaa ujeedkiisu ahaa taageeridda howlgallada uu abaabulkoodu ka socdo koonfurta gobolka Mudug iyo soo dhoweynta saraakiil iyo ciidamado kusoo biiray howlgalladaas, kuwaas oo kasoo jeedo deegaanka Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Gaboobe oo bulshada kula hadlay fagaarihii ay iskugu soo baxeen ayaa sheegay in uu soo dhammaaday waqtigii Khawaarijta ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoona shacabkii isku soo baxay ku boggaadiyay sida ay u garab taagganyihiin ciidamada huwanta ah.

DCIM106MEDIADJI_0223.JPG

 

Ad
Previous articleQaar Ka Mid ah Dadkii Shalay Ka Qayb Qaatay Banaanbixii ka Dhacay Muqdisho oo Xalay la wareeraray
Next articleCiidamda Dowlada oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Galgaduud(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here