Home Wararka Maanta Ciidanka Galmudug oo howlgallo balaaran ka sameeyay Magaalada Dhuusomareeb

Ciidanka Galmudug oo howlgallo balaaran ka sameeyay Magaalada Dhuusomareeb

0

Ciidamada amniga dowlad goboeed Galmudug, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay howlgallo balaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.

Askar badan oo iskugu jira Booliiska iyo Nabad sugidda ayaa caawa lagu dhex arkay wadooyinka magaalada, iyadoo saraakiisha ciidanku wadaan kormeerro ay ku marayaan baraha control ee gudaha iyo daafaha magaalada.

Saraakiisha ayaa waxay sheegayaan iney howlgaladan ku soo qabteen hub sharci daro ah iyo kooxo hubeysan oo amaanka wax u dhimayey.

Magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimada Galmudug ayaa waxay hoy u tahay madaxda maamulka iyo heyadaha dowliga ah ee Galmudug, waxaana mararka qaarkood ka dhaca falal lidi ku ah amaanka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka hadashey in Maalinta Bari tahay Ciid iyo in kale
Next articleKhilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Midowga Musharixiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here