Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani’aadanimo ee Tigray

Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani’aadanimo ee Tigray

0

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in xaalada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye.

Madaxa maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna ay ka sii dartay.

“Kadib dhamaadkii dagaalka, xaaladda bini’aadantinimo ee waqooyiga Itoobiya, waa ay ka sii daraysaa, Midowga Yurub ayaa ka walaacsan arrintaasi,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Tobanaan kun oo qof, ayaa mar kale ka barakacay dagaalada soo cusboonaaday, waxaana la sheegay in burbur xoogan uu soo gaarayo hantidii, kaabayaashii dhaqaalaha iyo dadka deegaanka.

Ururku ayaa wuxuu sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka ay mar horeba aheyd mid aad u liidata, ayna kasii dari doonto dhibaatada, haddaan degdeg wax loogga qaban.

Dib u soo cusboonaanshaha dagaalka, ayaa si weyn u hor istaagay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo waqooyiga Itoobiya, ururka Midowga Yurub, ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa wali gabi ahaanba go’an jidadkii la marin lahaa sahayda iyo agabka aasaasiga u ah nolosha, shidaalka iyo dhaqaalihii la gaarsiin lahaa Tigrayga, iyadoo sidoo kale dhibaatadan lagu arkayo deegaanada Axmaarada iyo Canfarta oo uu dagaalku ku fiday.

Ad
Previous articleAbaabul Dagaal oo Dib loogu noqonaayo Degmada Moqokori oo ka socda Gobolka Hiiraan
Next articleMaxkamadda ciidamada qalabka sida oo Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan Xukun Dil ah ku Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here