Home wararka Dalka Wararkii ugu danbeeyay kulamo ka socda magaalada Gaalkacyo

Wararkii ugu danbeeyay kulamo ka socda magaalada Gaalkacyo

0

Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleed Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Faandhe oo safar shaqo ku joogta Gobolka Mudug maagalada Galkacyo ayaa kulamo wadatashi bulsho ah waxaa ay la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo,

kulankaan waxaa gudoomiye ku-xigeenka ku wehliyay wasiiro, wasiiro kuxigeeno, iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

xaflad balaadhan oo ay isugu yimaadeen ururada haweenka, dhalin yarada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la isaga xog waraystay arimo badan oo ku saabsan Galmudug gaar ahaan Gobalka mudug,

Marwo Faandhe ayaa dadka gobalka mudug waxaa ay kula dardaarantay in ay u diyaar garoobaan sidii ay ula xisaabtami lahaayeen dawladooda iyo sidii ay ula tartami lahaayeen horumarada ka jira gobalada kale, iyadoo sheegtay in ay u taagan tahay raadinta xuquuqda gobolka mudug oo ay ku matalayso dawlad goboleedka Galmudug,

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here