Home wararka Dalka Sawiro:- Sacuudiga ayaa laga soo celiyay galabta iyagoo dacas la’an ah

Sawiro:- Sacuudiga ayaa laga soo celiyay galabta iyagoo dacas la’an ah

1

Waxaa maanta garoonka Aadan  cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay dayuuradii 3aad dad Soomaaliyeed oo laga soo qaaday dalka Sacuudiga

Dayuuradan ayaa siday 126 qofood oo ka koobnaa 24 dumar ah iyo 102 rag ah, waxayna kasoo duushay Magaalada Jeddah oo Soomaalidu ku badan tahay.

Muwaadiniintan laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen muddo bilo ah lagana soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas

Dadka maanta la keenay qaarkood ayaa socday kabo la’aan, waxaana dad badan ka yaabisay sababta masuuliyiinta xabsiyada Sacuudiga ay xitaa kabo ay dayuurada ku raacaan ugu quuri waayeen maxaabiistan, iyagoo eegaya islaamnimada.

Guddiga ay dowladda Somalia u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay sheegeen in saddex duulimaad loo qeybiyay dadka laga soo dalka Sacuudiga, waxaana galabta la keenay qeybtii ugu dambeysay, waxayna guud ahaan gaarayaan ku dhowaad 400 oo qof.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. “Tarxiilku xal-maaha ee xeelad ama xirfad kale oo midaan ka duwan ha la baadi goobo”

    Shacab intooda badan waqtigooda ku soo qaatey sacuudiga in saacadaan la keeno dalka iyagoo aan wax-badan uga soo horeyn lagana yaabo xitaa QAARKOOD ineysan qoysaskooda dalka joogin, inkastoo aysan jirin meel ka wanaagsan oo aan dalkaaga aheyn oo lagu geyn lahaaa Ama Aad ku noolaan laheyd, hadana waxaad moodaa iney jiraan daruufihii ay muwaadiniintaasi dalka uga tageen iney weli jiraan.

    Qaabka uu sacuudiga u tarxiilo muwaadiniinta Soomaalida ah maahan wax waafaqsaneyn qawaaniinta iyo sharuucda caalamka sababtoo ah dad iyagoo iska adeeganaayo ama ku jiro howl maal-meedkooda inta magaaladda iyo gobihii ay ku cibaadeysanaayeen laga dhex qafaasho ama laga dhex qab-qabto kadibna loo taxaabo xabsigii ay ku Sugii lahaayeen TARXIILKA, waxaad moodaa arintaasi iney tahay wax fool xun… weliba DAL ISLAAM AH INEY ARINTAASI KA DHACDO, IYADOO AAN WADA OG NAHAY SOOMAALIYA AXSAANKA AY WELIGEED CARABI U FALI JIRTEY INTEYSAN SHIDAALKA HELIN.. xitaa lama siin fursadii ay ku diyaar garoobi lahaayeen ama ay ku qalab qaadan lahaayeen maadaama dalka laga masaafurinaayo ama laga tarxiilaayo. YAAB !!!

    “Waa wixii laga duceysan jirey Allow Cago cadaan dal carbeed maalin cad ha naga soo caraabin”

    Meeshaasi waxaa ka muuqdo ama fartiinta ay arintaanu xambaarsan tahay ayaa ah in Soomaali isku tanaasusho, iskuna tashato, kana kaaftoonto dal kale.

    Maanta iyadoo ay SOOMAALI ku nooshaay ama heysato dhul kun jeer ka fiican wadamo badan oo caalamka ah, isla mar ahaantaana ay dhex ceegaagto wax-weliba oo aadamuhu u baahan yahay ama uu ku hamiyo, hadana in shacabkan Soomaaliyeed sidaasi loo duleysto ama loo bahdilo maahan wax-suuro gal ah, si sahal ahna lagu aqbali karo run ahaantii..!!!

    Hurdada ha laga toosoo soomaalaay, waad hurudaane hurdada ka kaca oo ka kaaftooma dalal shisheeye, kuna kalsoonadda naftiina iyo nimcadda alle idinku maneystay, maanka geliya inaad muruqiina iyo maskxiida maalataan meelna iska soo saartaan.

    N.B. haddii shacabka la soo tarxiiley aysan haysan sharci ama dal ku joog ha laga caawiyo oo ha la siiyo baasabooro kadibna degenaansho ayay saaran karan oo ay ku joogi karaan dalkey rabaan iney ka shaqeystaan ama ay ku noolaadaan.

    Dowladana isha ha ku heyso xaaladaha iyo dufuuraha ay dadka Soomaaliyeed gaar haan kawa la soo tarxiiley inta ay salka dhulka u dhiganaaayaan, kuwa dalka sacuudiga ku xayirana shacabkii u baahan iney dalkooda dib ugu soo noqdaana loo fududeey iney dalka dib ugu soo noqdaan.

    Haddii ay jiraan kuwo iyaguna u xayiran xaga sharicaga ama u baahan baasabooro iyagana sidoo kale safaaradda sacuudiga ee dalka Soomaaliya ha u fududeyso si markaasi howsha iyo danaha ay dalkaasi u joogaan u sii wataan, dhanka waxbarashada, dhanka shaqadda iyo degaanansho intuba.

    “Dalkaaga wax dhaamo lawaa, dhug aan isku yeelnoo dhexdan aan u xirano sidii aan dhaqaalo ku sameyn laheyn inagoo aan dhinac uga bixin dhulka hooyo. Dhaxalkaan alle ina siiyay iyo dheeftaan yaanan lagu dheelin oo dhulkaan udgoon la dhaafsan dhul-shisheeye SOOMAALAAY WAA IGA TALO.

    Waad mahadsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here