Home Wararka Maanta Waasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo WHO oo Deeq Caafimaad gaarsiiyay Galmudug (Sawiro)

Waasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo WHO oo Deeq Caafimaad gaarsiiyay Galmudug (Sawiro)

0

Gargaarkan Caafimaad oo isugu jira agabyada kala duwan ee ka hor-tagida Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19 iyo qalabka lagu baaro Caabuqan ayay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kala wareegtay Hey’adda WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka Federaalka oo ku deeqay in lawada gaarsiiyo dhamaan Isbitaalada Galmudug.

Waxaana shixnadan Gargaar oo ay sideen diyaarada gaar ah Dhuusamareeb kala wareegey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo kaga mahad celiyay Dowlada Federaalka iyo WHO, sida deg degta leh ee ay kaga soo jawaabeen baaqii Wasaaradda ee ahaa in lala soo gaaro Kaalmo Caafimaad, maadaama ay go’een inta badan agabka baarista iyo qaar ka mid ah Qalabka ka hortagida Xanuunka Covid-19 ee muhiimka u ah Shaqaalaha ka howlgalaya Xarumaha Caafimaadka.

Shixnadan Gargaar ka Caafimaad ayaa qayb ka ah dadaalada Dowlada Federaalka iyo Galmudug ku doonayaan in lagu dhimo qatarta sii kordheysa ee Safmarka covid-19 oo tiradii ugu badneyd Galmudug laga diiwaan galiyay todobaadkan.

Ad
Previous articleMadaxdii Hore ee dalka oo Tegay Guriga Madaxweyne Cali Mahdi (SAWIRO)
Next articleDr caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here