Home Wararka Somaliya Madaxweynaha oo Xarigga ka jaray Waddada 30-ka oo Dib u dhis Qurxoon...

Madaxweynaha oo Xarigga ka jaray Waddada 30-ka oo Dib u dhis Qurxoon lagu sameeyay

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo axad ah xarigga ka jaray waddada 30-ka ee magaalada Garoowe, taasi oo dib loogu dhisay hab casri ah.

Waddadan ayaa lagu dhisay cashuurtii shacabka Garoowe oo ay dib ugu celisay caasimadda, Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqada la qabtay wuxuuna muujiyey muhiimada Wadadan u leedahay isugu socodka magaalada.

Munaasabadda xariga looga jarayay waxaa goobjoog ka ah qaar kamid ah shacabka magaalada Garawe oo aad ugu faraxsanaa dhismaha waddadan oo ka qeybqaadaneysa quruxda iyo dib u dhiska magaaladaasi.

Maamulka Puntland uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa hirgaliyay mashaariic kala duwan oo lagu dhisay waddooyin badan oo bulshada muhiim u ah iyo sidoo kale buundooyin, waxaana wali socda mashaariic kale oon wali xarigga laga jarin.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan Wadahadal Lalagalo Alshabaab
Next articleDowlada Germalka oo bilaabaysa Fududeenta Qaadashada Dhalashada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here