Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dhageysiga Dacwadda badda ee ICJ...

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dhageysiga Dacwadda badda ee ICJ ka soconaysa

0

Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Ilaaliyaha guud qaranka  ee ayaa sheegay in uu si rasmiya u soo xirmay wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dr Sulaymaan, wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayay Soomaaliya ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha.

Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in wakhtiga uu bilaaban doono wareegga labaad ee dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiskan  ay go’aan ka gaari doonto Maxkamadda ICJ kadibna ku wargelin doonto Wefdiga Soomaaliya.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor qoor oo Kulan La qaatay Xubna ka Tirsan Musharaxiinta
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Maanta ka Qeyb-galay Tacsida Madaxweyne Cali Mahdi (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here