Home galmudug Senatar Cabdi Qeybdiid iyo Masuuliyiin ka socda Galmudug,Puntland oo gaaray goobaha lagu...

Senatar Cabdi Qeybdiid iyo Masuuliyiin ka socda Galmudug,Puntland oo gaaray goobaha lagu dagaalay

0

Wafdi uu hogaaminayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla markaana ay qeyb ka yihiin maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo ayaa gaaray Degaanka Taarroge oo Saakay ay ku dagaalameen Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Masuuliyiintaan ayaa ku guuleystay Hakinta Dagaalkaan, waxaana la soo sheegayaa inay dib u kala rareen Ciidamadii dirirtu u dhexaysay.

Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Xirsi Yusuf Barre oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo intaysan bixin ka hor ayaa sheegey inay ku baxayaan colaada dib uga soo cusboonatay degaankaasi.

Masuuliyiinta maantay ku baxay kala celinta maleeshiyaadka Dagaalamaya ayaa maalmahaan waday dib u heshiisiin looga samayn lahaa degaankaasi oo colaadiisu taagnay Todobaadyadaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here