Home Wararka Caalamka Golaha Wasiirada Cusub ee Sweden oo lagu Dhawaaqay. (Akhriso Liiska Wasiirada)

Golaha Wasiirada Cusub ee Sweden oo lagu Dhawaaqay. (Akhriso Liiska Wasiirada)

0

Ulf Kristersson, ayaa dhawaan loo magacaabay Raisal Wasaaraha cusub kadib markii uu helay codka Barlamaanka waxana maanta oo talaado ah uu soo dhisay Dowladiisa Cusub.Gunnar Strömmer ayaa noqday wasiirka caddaaladda, Tobias Billström wasiirka arrimaha dibadda iyo Pål Jonson oo loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dawladda cusub ee Sweden. Saddexduba waxay ka yimaadeen xisbiga Moderaterna. Wasiirka maaliyadda Elisabeth Svantesson ayaa iyaduna ka socota xisbiga.Xisbiga Christian Democrats waxa la siiyay jagooyin badan oo muhiim ah, oo ay ku jiraan wasiirka caafimaadka iyo tamarta hogaamiyaha xisbiga Busch iyo jagada ganacsiga. Xisbiga waxaa sidoo kale loo dhiibay mas’uuliyadda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda guriyeynta.Hogaamiyaha xisbiga Libaraalka, Johan Pehrson, ayaa noqonaya wasiirka suuqa shaqada iyo isdhexgalka. Xisbiga waxaa sidoo kale loo dhiibay mas’uuliyadda siyaasadda cimilada iyo deegaanka, siyaasadda suuqa shaqada iyo siyaasadda sinnaanta.Liiska Wasiirada Cusub ee Lagu Dhawaaqay MaantaRa’iisul Wasaare Ulf KristerssonWasiirka Midowga Yurub Jessika RoswallWasiirka cadaalada Gunnar StrömmerWasiirka socdaalka Maria Malmer StenergardWasiirka arrimaha dibadda Tobias BillströmWasiirka horumarinta iyo arrimaha dibadda Johan ForssellWasiirka difaaca Pål JonsonWasiirka degdega ah Carl Oskar BohlinCamilla Waltersson Grönvall wasiirka adeega bulshadaWasiirka waayeelka iyo caymiska bulshada Anna TenjeWasiirka maaliyadda Elisabeth SvantessonWasiirka Suuqyada Maaliyadda Niklas Wykman

 

Ad