Home Wararka Somaliya Maamulka Galmudug oo ku Guuleestay Xabad Joojin la Dhex Dhigay Beelo Ku...

Maamulka Galmudug oo ku Guuleestay Xabad Joojin la Dhex Dhigay Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Mudug

0

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xabad joojin ka dhaqan galisay deegaanka Dhagtuur ee ku yaalla Koonfurta Gopbolka Mudug, kadib markii saacadihii lasoo siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira Maamulka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa ku baxay joojinta dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Dhagtuur.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ku guuleystay deminta xiisada Colaadeed ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka jirta degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana u dhexeeysay dad xoolo dhaqato ah oo degaanka wada dega.

Dhinacyada oo ku kulmay duleedka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, iyagoona maanta la filayo inay isugu yimaadan Shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday.

3 qof oo xoolo dhaqato ah ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay degaanka Dhagtuur ee ku yaalla Koonfurta Gopbolka Mudug, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in dilalkaas dhacay ay salka ku hayaan anooyin qabiil.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo ka Hadashey Xaalada Deg Dega ee la Galiyay Dalka Itoobiya
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta la horgeynayo Xeerka Maamulka Ganacsiga Batroolka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here