Home galmudug Sawiro:- Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhaweeyay Caasimada Dhuusomareeb

Sawiro:- Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhaweeyay Caasimada Dhuusomareeb

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa ayaa Duleedka Godinlabe waxaa ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa uu socdaal dhinaca dhulka ah uga soo mababaxay Magaalada gaalkacyo,isaga oo xalay ku hoydey Magalaada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu dambeyn ogolaaday in uu xilka wareejiyo maadaama lagu guuleestay xalinta tabasho uu ka qabay doorashadii dhowaan Dhacday.

Soo dhaweynta Xaaf ee duleedka deegaanka Godinlabe ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ah Xildhibaano uu kamid yahay Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo madax kale.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) ,Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Xubnaha kale inay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here