Home wararka Dalka Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye oo gaaray Baydhabo

Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye oo gaaray Baydhabo

0

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye , kuwaa oo kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow waxaan wafdigiisa qeyb ka ah Xildhibaano isugu jira muxaafid iyo Mucaarad.

Wafdiga kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaana Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kala hadli doona saamiga beesha Hawiye ku laheyd Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo wax badan laga badelay hoosna loo dhigay.

Siyaasiyiinta Beesha Hawiye ayaana si weyn uga soo horjeestay qoondada laga siiyay Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, waxa ayna taasi keentay in Siyaasiyiinta Hawiye kulan deg deg ah yeeshaan.

Beesha Hawiye ayaa ku laheyd Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed 20-Xubnood , hasa ahaatee Baarlamaanka cusub ee Baydhabo looga dhawaaqay ayaa Beesha Hawiye laga siiyay 9-Xildhibaan kaliya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here