Home wararka Dalka Dhageyso Codka:- Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Sababta uu u raadin...

Dhageyso Codka:- Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Sababta uu u raadin waayay Maqaamka Muqdisho Xiligii Madaxweynaha uu ahaa

0

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Shirkii wadatashiga Ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho Ee Beesha Mudulood iskugu yimaadeen.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in Dawladnimada ay wax badan kusoo kordhiyeen balse wakhtiga uu ku dhamaaday inta hal heyskii Qabyo ay dhameystira lahaayeen.

Xildhibaan Sharafeedka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Dawlada Hadda Jirta sheegay inay kula dedaalayaan ilaa xad hormarinta Dawladnimada iyo qaabkii lagu gaari lahaa waxyaabaha dhiman.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxtooyada Soomaaliya inkastoo uu si maldahan u karbaashay.

“Hadaad Ogolaatid maalin maalmaha ka mid ah in lagu Abuse-gareeyo/dhibaateeyomoo si xun laguu isticmaalo oo lagugu gardaroodo oo walaaloow iga dhaaf aad dhahdin,in lasii aqbalo maaha hadii kale Gardareysigaas weligiis waa kugu sii soconaa,Ayuu yiri Xasan Sheekh”.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in Dulqaad looga baahan yahay Beesha Mudulood oo horeba sidii ay aheyd usoo sameeyey balse ku dhiiri geliyey inay Xuquuqdooda udootaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here