Home Wararka Maanta Mareykanka iyo Xuutiyiinta oo isku fara saaray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Mareykanka iyo Xuutiyiinta oo isku fara saaray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

0

Maraakiibta badda ee Mareykanka ayaa soo riday 15 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Badda Cas ku ganeen Xuutiyiinta Yemen ee garabka ka helaya Iiraan.

Taliska Dhexe ee militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa maanta sheegay in isbahaysiga badda ee Mareykanku horkacayo ay mas’uul ka ahaayeen ka jawaabidda weerar culus oo ka yimid Xuutiyiinta, kaasoo lala eegtay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed intii u dhaxeysay aroortii 4am iyo 6:30am (01:00-03:30 GMT).

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay khatar ku ahaayeen maraakiibta, ciidamada badda ee Mareykanka iyo maraakiibta isbahaysiga ee gobolka ayuu yiri taliska oo qoraal soo dhigay barta X.

“Ficilladan ayaa loo sameeyay si loo difaaco badda biyaha caalamiga ahna looga dhigo kuwo ammaan ah.”

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, oo lagu magacaabo Yahya Saree, ayaa sheegay in kooxda ay fuliyeen labo howlgal militari, kii koowaad oo lagu beegsaday markab xamuul oo Mareykanku leeyahay kaasoo marayay Gacanka Cadan.

Howlgalka labaad, ayuu Saree sheegay in dhowr kale oo militariga Mareykanku leeyihiin lagu beegsaday kuwaasoo ku sugnaa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Toddobaadkan dhexdiisa, ugu yaraan ilaa saddex shaqaale markab ayaa lagu dilay weerar ay Xuutiyiintu gantaallo u adeegsadeen oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, sida militariga Mareykanku sheegay, waana dhimashadii ugu horreysay ee lasoo sheegay tan iyo markii kooxdan Yemeniyiinta ay bilaabeen inay weeraraan maraakiibka maraya mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan iyagoo sheegay inay uga aargoosanayaan dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xuutiyiinta ayaa Arbacadii sheegtay weerarkan, oo lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Liberia, uuna ka babbanayay calanka Barbados.

Isbahaysiga badda ee Mareykanku horkacayo ayaa biyaha baddan ka howlgalayay tan iyo December 2023 iyagoo isku dayayay inay ka hortagaan weerarrada Xuutiyiinta. Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale duqeeyay waxa ay ku sheegeen weerarrada Xuutiyiinta ee Yemen.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyaayal lagu Garaacay Muqdisho
Next articleAskarigii haraatiyay dadka tukanaya oo talaabo laga qaaday iyo dad masuuliyiin ah oo ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here