Home Wararka Maanta Farmaajo iyo Rooble oo Kulamo iska Soo Horjeeda ku leh Madaxtooya Soomaaliya

Farmaajo iyo Rooble oo Kulamo iska Soo Horjeeda ku leh Madaxtooya Soomaaliya

0

Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan guryaha ay kala degan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayo xaalada siyaasadeed ee dalka .

Kulamadan ayaa labada masuul waxa ay la leeyihiin masuuliyiin aad ugu dhaw dhaw iyo lataliyaashooda, waxaana mid kasta xubnahan ku dhaw dhaw kala tashanayaan talaabooyinka ay qaadi karaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararku sheegayaan ilaa xalay in kulamo la lahaa xubno aad ugu dhaw dhaw, waxa ayna ka arinsanayeen sida laga yeelayo xaalada siyaasadeed ee taagan iyo culeeska dhinaca beesha caalamka kaga soo wajahay.

Wakiilada beesha caalamka iyo dowladaha waa weyn ee Soomaaliya daneeya oo qaarkood qoraalo u diray Madaxweyne Farmaajo ayaa uga digay talaabooyinka uu qaadayo in dalka mar kale u horseedo dagaal iyo khalalaase.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa kulamo la leh wasiiro iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw, waxa uuna Rooble iyo kooxdiisa ka tashanayaan sidii saaxada siyaasadda looga saari lahaa loona fashilin lahaa kooxda Farmaajo.

Rooble ayaa sidoo kale raadinaya taageerada maamul goboleedyada gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Hawiye ee Galmudug iyo Hirshabelle si uu siyaasad ahaan uga adkaado Madaxweyne Farmaajo.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa xiligan mareysa meel xun, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidamo taabacsan Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamo kale oo siyaasad ahaan la jira Rooble.

Ad
Previous articleMusharax aad ugu Dhawaa Axmed oo lagu Doortay kismaayo XiliBuuq Doorsho taagantahay
Next articleKulan lagu Taageeraayo Raysulwasaare Rooble ayaa Hada Kasocda Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here