Home Wararka Maanta Luul Cabdicasiis aabaheed oo Sheegay Sababta uu U Doortay in la Toogto...

Luul Cabdicasiis aabaheed oo Sheegay Sababta uu U Doortay in la Toogto Sayid cali

0

Markii meydka la aasay kadib maanta waxaa warbaahinta la hadlay Aabaha Luul Cabdicasiis, isagoo sheegay sababta uu ku diiday diyo ama magtii gabadhiisa, isla markaana uu u doortay in la toogto wiilkii qabay gabadhiisa.

Aabe Cabdicasiis ayaa sheegay in qoyska Sayid-Cali ay dhowr jeer kala hadleen kiiskaan, iyagoo codsanaya in diyo laga qaato, balse wuxuu sheegay inuu diiday taas isagoo eegaya mustaqbalka gabdhaha Soomaaliyeed, sida uu hadalka u shigay.

“Anaga Sheekhaal Jasiira ayaa nala dhahaa Diyo ma qaadano wexeennu waa Cafis laakiin Gabadheyda waxaan u cafin waayey Foolxumada loo dilay” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Odaga ayaa si cad u sheegay in go’aankooda qisaasta Sayid-Cali aysan marnaba gorgortan ka geli doonin, isagoo hoosta ka xariiqay in taas uu ku doortay sidii ay badbaado u heli lahaayeen gabdhaha kale ee ragooda ay ka suurta-gasho inay u dilaan sida gabadhiisii Luul.

Aabe Cabdicasiis ayaa farriin u diray ragga, wuxuu kula taliyey in haweenka aan loo gacan qaadin, maadaama ay yihiin dad jilicsan oo marnaba aan mudneyn in la ciqaabo oo loo gacan qaado ama hadal xun la dhaho.

Aabe Cabdicasiis waxaa la weydiiyey sida ay u arkaan racfaanka ay qaateen qoyska Sayid-cali Macalin Daa’uud, balse wuxuu sheegay intaas ay sharciga u deynayaan, balse mar kasta ay dowladda ka sugayaan in ninkaas loo xukumay loo qisaaso.

Sidoo kale Aabe Cabdicasiis waxa iska bedelay go’aankoodii, maadaama ay horay u sheegeen in la isla aasi doono Sayid-Cali iyo Luul.

“Waxaa la galay waqti kuleyl ah oo intaan ka badan meydku siima ooli karo banaanka, sidoo kale racfaanka uu garabka kale ka qaatay xukunka dhacay wuxuu qaadan karaa waqti kale, marka anaga waxaan awalba sugeynay cadaaladda, waana la xukumay ninkii, qisaastiisana waxaan uga fadhinaa dowladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Aabe Cabdicasiis.

Ad
Previous articleRuushka oo Dalkiisa Ka Eryaaya Safiirka Maraykanka
Next articleBashiir Kacaan Oo Geeriyooday iyo Raysulwasaare Xamse oo ka Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here