Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee...

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee guriga Mirinaayo

0

Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la toogtay, waxaana shan ku ahaa ninkii is-qarxiyey ee bilaabay weerarka, sida ku cad qoraalkaan ka soo baxay dowladda.

Guriga la weeraray waxaa deganaa oo lagu dabiibayey ciidankii macawiisleyda Hiiraan ee ku soo dhaawacmay dagaallada, waxayna laga dilay oo weerarkaan uu galaaftay 10 nin, halka seddax kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in guriga la weeraray ay deganaayeen dad shacab ah, isla markaana ciidankii badbaadinayey dadkaas ee weerarka soo afjaray ay ka dhaawacmeen shan askari.

Hoos ka akhriso bayaanka dowlada oo dhameystiran:

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjari lahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa. Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan, waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday. Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Saacado Badan Qaatay Oo Ka Dhacay Koonfurta Mudug oo Alshabaab lagu Jabiyay iyo Dowlada oo War Kasoo Saartay
Next articleAlshabaab oo Deeganada Galmudug oo ku Dhexmaray Dagaal Culus oo Maleshiyaad badan isaga Dileen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here