Home jubaland Dowlada Somaliya oo soo saartay Waaran lagu xirayo Wasiir Janan oo dhawaan...

Dowlada Somaliya oo soo saartay Waaran lagu xirayo Wasiir Janan oo dhawaan ka baxsaday Xabsiga

0

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay waaran Caalami ah oo loogu soo gacan galinayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan ka baxsaday xabsi uu kaga xirnaa magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in soo qabashada Cabdirashiid Janan ay xariir kala sameeyeen booliiska Caalamiga ee Interpol si loo soo qabto eedeesanaha loona maxkamadeeyo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dalbatay dowlada Kenya oo dalkeeda maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Cabdirashiid Janan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo qabato Janan uguna soo gacan galiso dowlada federaalka.

Warkab kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maanta Cabdirashiid Janan uu soo gaaray gobolka Gedo uu awood ku leeyahay kadib safar maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay magaalada Nairobi.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here