Home Wararka Somaliya Sawiro: Madaxweyne Qoorqoor oo Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug iyo Warbixin la...

Sawiro: Madaxweyne Qoorqoor oo Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug iyo Warbixin la siiyay

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo maanta ka dhacay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee amniga, sharciga Dhismaha Degmooyinka iyo Gobalada Galmudug, iyo arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradaha Amniga gudaha, Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta & Federaalka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa gorfeeyay soo jeedinta shuruucda iyo warbixinada ay bixiyeen wasaaraduhu, ayadoona wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dib u eegis ku sameyn doonto soo jeedintooda.

Dhinaca kale, Gen. laba Afle oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan gaaray Dhuusamareeb ayaa lagu soo waramayaa in kulamo uu la qaatay madaxda Galmudug ka dib uu maanta gaaray deegaanka Bohol ee woqooyiga Dhuusamareeb halkaasoo ay degeen Sheekh Maxamed Shaakir iyo xoogaga uu wato ee Guriceel dagaalka ku galay.

Generalka iyo xubno Masuuliyiin ah oo wehliya ayaa la soo sheegayaa in Bohol ay u gaareen xallinta tabashada Ahlu sunna isla markaana khliaafka hoggaanka Ahlu sunna iyo Galmudug xal nabadeed looga gaari lahaa, Ganacsade Xaashi carrabey  iyo masuuliyiin kale ayaa waan waanta qeyb ka ah.

Ad
Previous articleSaraakiil Ciidan oo Gaaray Deegaanka Bohol ee Galmudug si loo dhameeyo Xiisaha Ahlu-suna
Next articleDowladda Federaalka Itoobiya Oo Wacad Ku Martay Inay Ka Adkaaneyso Jabhadda Tigray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here