Home Wararka Maanta Mareykanka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen...

Mareykanka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya

0

Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn cusub oo lala beegsaday xubno katirsan Al Shabaab ka fuliyeen shalay oo Jimco ah deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

War kasoo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ku fuliyeen weerarkan dhinaca cirka ah, waxaana duqeynta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeyntan diyaaradahooda geesteen lagu dilay lix dagaalame oo katirsan Al Shabaab, waxa ayna meesha ka saareen in duqeyhntan ay khasaaro kasoo gaartay dad shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka geestaan deegaannada ay joogaan Al Shabaab , waxaana weeraro badan oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Ad
Previous articleKhadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos oo lagu sifeeyay mid kamida xiddigihii ugu xumaa Koobka aduunka
Next articleTaliye Odawaa iyo Taliyayaal kale oo gaaray Deegaanka Daaru Naciim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here