Home Wararka Maanta Qarax Xoogan oo Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Deegaanka Somaalida ee Kenya

Qarax Xoogan oo Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Deegaanka Somaalida ee Kenya

0

Ugu yaraan Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalena dhawac culus ayaa ka soo gaaray qarax maanta lala beegsaday baabuur ay wateen rag qandarasleyda ah oo marayey duleedka magalada Masalani ee Ismamulka Garissa ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid wadada lagu aasay ayaa haleelay gaari nooca raaxada ah oo ay raggani saarnaayeen, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Ma cadda cidda ka dambaysay qaraxaas, mana jirto cid sheegatay balse kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa looga bartay qaraxyadan noocan ah.

Booliska Kenya ayaa wada howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qaraxan inkastoo aanm la sheegin ilaa hadda cid ay u soo xireen.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Codsatay in La Baaro Geerida Dhalinyaradii Ku Dhimatay Xadka Giriiga iyo Turkiga
Next articleMadaxweynaha Turkiga Iyo madaxweynaha Israil oo Kulmaya Xili Walaac soo Foodsaaray Labadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here