Home Wararka Maanta Goobta iyo Waqti Diiwaan Galinta Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo La Shaaciyay

Goobta iyo Waqti Diiwaan Galinta Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo La Shaaciyay

0

Waxaa la shaaciyey goobta lagu diiwaan-gelinyo murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo koontada lagu shubayo lacagta is diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray warqad ay ku shaaciyeen in diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay berri 9:00 am – barqanimo ka bilaabaneyso xarunta Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale warqadaan waxaa lagu soo bandhigay tilmaamaha koontada lagu shubayo lacaga is diiwaan gelinta musharaxiinta oo gaaraya 40 kun oo dollar, waana Bangiga Dhexe ee dowladda.

Guddigaan ayaa galabta soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta xilka madaxweynaha, waxayna shuruudahaasi ka kooban yihiin 9 qodob, kuwaas oo kala ah:

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada.

 

Ad
Previous articleBaarlamaanka Puntland oo Ka Hadlay Khilaaf Karaash iyo Deni
Next articleCiidamada Daraawiishta Galmudug oo Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here