Home Wararka Somaliya Somaliland Maxkamadda Sare ee Somaliland oo laga dalbaday in ay go’aan ka gaarto...

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo laga dalbaday in ay go’aan ka gaarto muranka doorashooyinka Somaliland

0

Iyada oo weli uu muran ka taaganyahay doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa Guddiga doorashooyinka ay warqad u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland taas oo ku aadan isla arimaha doorashooyinka .

Sida ay ila xog-ogaal ahi ay u xaqiijyeen BBCda Toddobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinak Somaliland ayaa maantay waxa ay qoraal rasmi ah u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah si ay fasiraad sharci uga bixiso muranka ka taagan dooarshooyinka Somaliland oo muddo soo jiitamayey taas oo ku aadan labada doorasha ee madaxtooyada iyo tan ururada tii soo horeyneysa oo ay ka codsadeen in ay fasiraad kasoo bixiso.

Muranka doorashada ayaa muddo dheer soo jiitamayey iyada oo xisbiyada mucaardku ay aaminsanyihiin in lasoo hormariyo doorashada madaxtooyada ee Somaliland , halka xukuumada xisbigeeda talada hayo iyo ururada cusub ee Somaliland ay doonayaan in ay soo horeeyso doorashada ururada siyaasadda oo sedexda xisbi ee kuso baxo doorashada ururada ay u tartamaan tan madaxtooyada .

Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ay kagasoo jawaabeeyso go’aankasi ay Guddigga Doorashooyinku u direen balse waxa la filayaa in maalmaha soo socdo ama toddobaadyada soo socda ay Maxkamadda Sare go’aan rasmi ah ka gaarto warqaddan ay u gudbiyeen guddiga doorashooyinka ee Somaliland

Ad
Previous articleAabe dilay xaaskiisa & caruur ay isku dhaleen oo xukun adag lagu riday (Sawirro)
Next articleDagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here