Home Wararka Maanta Guddoomiye Cali Jeyte oo sheegay in xildhibaan Shabaab ah uu ku jiro...

Guddoomiye Cali Jeyte oo sheegay in xildhibaan Shabaab ah uu ku jiro BF

0
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa si adag uga fal celiyey hadal ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ciidanka is abaabulay ee macawiisley ku tilmaamay kuwo ka daran Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo kursiga #HOP137 ka soo qaatay Dhuusamareeb ayaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley wuxuu ku tilmaamay kooxo ka daran Al-shabaab oo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ugu baaqay in si hoose uu u eego hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, isla markaana baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildhibaanka eedeynta u jeediyay ciidanka loo bixiyey dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaano macawisleyda.

Guddoomiye Jeyte ayaa Xildhibaan Xusul ku sifeeyey argagixiso khatar ah, sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhowaad 20 sano ay deegaankiisii Al-shabaab heystaan, isla markaana uu raali uga yahay.

“Ninka la leeyahay Xusul waa argagixiso Al-shabaab ah, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waan dhageystay hadalkiisa wuxuu aflagaadeeyey ciidanka Macawiisley, isgoo u hiilinayay Al-shabaab, taasina waa nasiib daro weyn in Xildhibaan uu waqtigaan eedeeyo shacab Soomaaliyeed oo iska celinaayo Al-shabaab, halkuu taageero uga muujin lahaa,” ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan leeyahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha idinkaa iclaamiyay dagaalka Al-Shabaab, ninkaas oo kale, ayaana Golaha sharci dejinta dhex fadhiya oo Al-shabaab ah ee wax halaga qabto arintiisa,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in cid walba oo ka hortimaada kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab ay u arkayaan mid u hiilinaya ururka Al-shabaab

 

 

Ad
Previous articleCiidamada Daraawiishta Galmudug oo Laba Horjeege kusoo Bandhigay Degmada Wisil(Sawiro)
Next articleDuqayn Diyaaradeed oo Dad Shacab ah ay Ku dhinteen oo Ka Dhacday Degaan ka Tirsan Shabeelada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here